Ciidamada RSF oo sigay inay dilaan hogaamiyaha military-ga Sudan

Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ay waaberigii saaka iyagoo adeegsanayo tiro diyaaradaha ismiidaamiya ah waxay weeerar ku qaadeen magaalada Tandalti, oo ku taalla galbeedka gobolka Niilka Cad, saacado uun kadib markii uu magaalada booqasho ku tagay hoggaamiyaha Golaha Sare ahna taliyaha ciidamada Suudaan, Jeneral Cabdel Fattah al-Burhan.

Ilo wareedku waxay sheegeen in difaacyada cirka ee ciidamada Suudaan ay ka hortageen diyaaradahaasi ismiidaaminta ah, kuwaas oo meelo kala duwan ka soo galay hawada magaalada.
Al Burhan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada dariska la ah magaalada la weeraray ee Um Rawaba, taas oo ciidanka Suudaan ay ku dhawaaqeen inay kala wareegeen gacanta RSF maalmo ka hor.

Weerarka RSF wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ciidamada Suudaan ay sii wadaan horumar ay ka samaynayaan jihooyin kala duwan toddobaadyo kadib markii ay dib u qabsadeen magaalada Wad Madani, oo ah caasimadda gobolka Jasiira.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay horumar ka sameeyaan galbeedka magaalada Hassahisa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Jasiira kadib markii difaacyadii RSF ee deegaanka Wadi Shair, oo u dhow Hassahisa, ay is dhiibeen.

Sidoo kale, ilahaasi waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Suudaan ay shalay duqeymo la beegsadeen xarumo ay RSF ku leeyihiin magaalooyinka Rifaa iyo Arbaji ee gobolka Jasiira, kuwaas oo qiyaastii 20 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Wad Madani.

Duqeymaha cirka waxaa barbar socday horumar ay sameynayeen ciidamada Suudaan iyo xoogagga taageeraya, iyagoo ujeedadoodu ahayd inay la wareegaan gacan ku haynta aagga waqooyi, gaar ahaan dhulka bari ee gobolka Jasiira, halkaas oo dagaallo culus ay ka socdeen tan iyo Jimcihii.

HBN ONLLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed