Faahfaahinno kala duwan oo ka soo baxaya duqeymo caawa laga maqlay Calmiskaad

Duqeymo culus ayaa caawa ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari, halkaas oo uu ka socdo dagalka u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Daacish.

In kabadan lix duqeymood ayaa la soo wariyey in lala eegtay goobo lagu tuhmayo maleeshiyaad ka tirsan kooxdaDaacish, iyadoo la arkayey qiiq cirka isku shareeray, sida warbaahinta Puntland oo soo xiganeyna siraakiisha Ciidamada ee furimaha hore ee dagaalka Bari.

Duqeymahan oo aan si rasmi loo xaqiijin ayaa la sheegay inay ka dheceen deegaannada kala ah, Qurac, Buqo, Wangable iyo aaggaga Dhasaan ee buuraha Calmiskaad.

“Saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka ciribtirka argagixisada ayaa u sheegay Puntland TV/Radio in duqeymaha oo aad u culus ay u badan tahay in lala eegtay deegaano ay kamid yihiin Qurac, Buqo, Wangable iyo aaggaga Dhasaan” ayaa lagu yiri.

Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad oo u gudbay wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa helaya ciidamo dheeraad ah oo lagu biiriyey, iyadoo kooxdu lumisay gacan ku heynta deegaanno badan oo gobolka ah.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed