18 askari & 12 maleeshiyo ah oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay Pakistan

Waaxda warfaafinta ee ciidamada Pakistan ayaa maanta ku sheegtay bayaan ay soo saartay in 18 askari oo ka tirsan military-g iyo 12 dagaalyahan lagu dilay dagaallo ka dhacay koonfur-galbeed dalkaas.

Weerarkan oo saaka waaberigii ka dhacay gobolka koonfurta -galbeed ku yaal Balochistan  ayaa waxaa sidoo kale si xun ugu dhaawacmay saddex qofoo kale.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, ilo wareed dhanka booliiska ah oo codsaday in magacooda aan la shaacin ayaa sheegay in baabuur ay la socdeen xubno aan hubaysnayn oo ka tirsan ciidamada lagu weeraray xadka Afgaanistaan gaar ahaan agagaarka magaalada Manguchar (MANGUSHAR),waxaana weerarka ka qayb qaatay 70 ilaa 80 dagaalyahan oo hubeysan kuwaas oo wadada u galay gaadiidka ciidanka siday.

Weerarkan ayaa yimid maalmo un kadib markii ciidanka Pakistan ay fashiliyeen isku day ay koox hubaysan oo isticmaalaysay gaari qarax sidda ay isku dayday inay la wareegto bar koontarool oo ku taalla xadka u dhow Afgaanistan.

Bayaan ay ciidanka soo saareen Talaadadii ayay ku sheegeen in ay dileen shanta weeraryahan, oo labo ka mid ah ay qaraxyo isku soo xireen, xilli ay weerareen bar koontarool oo ku taal degmada Qalaa Abdullah, oo ka tirsan gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan.

“Ciidamadeennu waxay fashiliyeen isku daygii lagu damacsanaa in lagu qabsado goobtaas,” ayuu yiri afhayeenka militariga, isagoo intaas ku daray in labo askari la dilay.

Kooxaha gooni u goosadka Baloch (BALOSH) ayaa in ka badan toban sano dagaal hubaysan kula jiray dowladda Pakistan, iyagoo ka dagaallamaya gobolka hodanka ku ah macdanta, kaas oo xuduud la leh Iiraan iyo Afgaanistan, waxaana halkaas sidoo kale ku sugan kooxo mintidiin ah.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in kooxahaasi ay u isticmaalayaan dhulka Afghanistan inay kutababartaan kana soo maleegaan weerarrada ay ka gaystaan gudaha Pakistan, balse Afgaanistaan way beenisay eedeyntaas.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed