Qaramada Midoobay ayaa soo saartay baaq degdeg ah oo lagu joojinayo rabshadaha ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo halkaas oo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo fallaagada M23 uu sababay dhimashada ugu yaraan 700 qof iyo dhaawaca 2,800 kale muddo shan maalmood ah.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, oo kaashanaysa la-hawlgalayaasheeda dowladda, ayaa sameysay qiimeyn muujisay khasaaraha ba’an ee dagaalku sababay. Mas’uuliyiinta ayaa digniin ka bixiyay in tirada dhimashada iyo dhaawacyadu ay sii kordhi karaan marka xog dheeraad ah la helo.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay in la joojiyo rabshadaha sii kordhaya, iyagoo ka digay in xaaladda Goma, oo ay ku nool yihiin ilaa 3 milyan oo qof, ay kasii dari doonto.
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in cuntada, biyaha nadiifka ah, iyo daawooyinka ay gabaabsi noqdeen. “Dadku way dhamaanayaan cuntada, biyaha nadiifka ah, iyo daawooyinka, waana arrin aad looga walaaco,” ayay tiri afhayeenka WFP, Shelley Thakral.
Dhibaatada waxaa uga sii daray xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Sida ay sheegtay Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ugu yaraan laba xero oo lagu barakacay ayaa la duqeeyay. Sidoo kale, hay’ada ayaa diiwaangelisay dilal si gaar ah loo bartilmaameedsaday oo ay fallaagada M23 fuliyeen, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 12 qof intii u dhaxeysay 26-28 Janaayo.
Afhayeenka Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Jeremy Laurence, ayaa sheegay in rabshadaha sii xumaanaya ay khatar ugu jiraan inay sii xoojiyaan kufsiga iyo xadgudubyada galmada, oo ah dhibaato muddo dheer ka jirtay gobolka.
Guddoomiyaha Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka una hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada,
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa walaac xooggan ka muujisay boqolaal kun oo rayid ah oo dagaalku ku qasbay inay barakacaan, kuwaas oo horeyba u ahaa dad gudaha ku barakacay.
Agaasimaha Guud ee IOM, Amy Pope, ayaa xustay in xaaladdu ay si degdeg ah uga sii dareyso, iyadoo tiri “Iyadoo dagaalku si xawli ah u sii xoogeysanayo, xaalad horeba u xumeyd waxay si degdeg ah ugu sii socotaa inay kasii darto.”
HBN Online TV