Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay xubin ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo doonayey sida hadalka loo dhigay inuu si farsameysan qaraxyo ku soo galiyo magaalada.
Ciidamada Miino Baarista Xoogga dalka oo sheegay inay kala furfureen qaraxyo laga soo buuxiyey Tarmuusta shaaha lagu shubto iyo caagado ayaa soo bandhigay ninka lagu eedeeyey.
Ninka lagu qabtay qaraxyadan oo isu soo ekeeysiiyey ree miyi, ahaane nin da’ ah ayaa magaciisa lagu sheegay Abukar Iley oo alaabta uu waday laga soo buuxiyay Jawaan.
Xogta ninka oo ay warbaahinta Ciidamada afkooda ku hadasha dadka la wdaagtay ayaa sheegtay inuu ahaa nin awal gacanta ciidamada hab damiin ah looga siidaayey Xarardheere.
“Ninkaa lagu qabtay Qaraxa ayaa hore damiin loogu siidayey, xili uu ku xirnaa Xabsiga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug” ayaa lagu warka raadiyaha ciidamada.
Tani ayaa ku soo aadeysa xili dagaal ka dhan ah kooxda uu ka socda qeybo ka mid koonfurta iyo bartamaha dalka, si gaar ahne waxaa xoogiisa gobolka Hiiraan.
HBN ONLINE TV