Puntland ayaa Saxaafadda ka mamnuucay inay xiriir la sameeyaan kooxda Daacish, oo maamulku uu kula dagaalamayo buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ka dib wareegto ka soo baxday wasaasaradda warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in go’aankani uu qeyb ka yahay sida uu hadalka u dhigay amar guud oo lagu soo rogay guud ahaan saxaafadda Puntland.
Sida ku cad warqadda uu soo saaray wasiirku, warbaahinta looma oggola inay tagaan deegaanada uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Daacish, iyagoo aan fasax ka haysan maamulka.
Sidoo kale, warbaahinta waxaa laga mamnuucay baahinta xog aan laga soo xigan maamulka Puntland. Wasiirka ayaa intaa ku daray in saxafiyiinta aysan tegi karin furimaha dagaalka iyagoo aan oggolaansho rasmi ah heysan.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay sheegtay inay masuuliyad ka saaran tahay bedqabka wariyayaasha iyo xaaladaha ammaanka ee taagan, maadama ay dagaal ku jiraan.
HBN ONLINE TV