Wakaaladda wararka Reuters ayaa ka soo xigatay ilo wareed Suuriyaan ah oo xogogaal u ah wada-hadalladii ka dhacay magaalada Dimishiq ee dhexmaray mas’uuliyiinta Suuriya iyo wafdi ka socda Ruushka, iyagoo sheegay in xhmed Al-Sharaa, oo ah hogaamiyaha maamulka cusub ee Suuriya, uu dalbaday in loo soo gacan galiyo maamulkiisa madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar Al-Assad, iyo la-taliyayaashiisii u dhowaa ee ku sugan Ruushka.
Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov, ayaa diiday in uu ka hadlo in arrintan looga wadahadlay kulankii Talaadadii dhexmaray Sharaa iyo Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Mikhail Bogdanov, sida ay sheegtay wakaaladda wararka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa maanta sheegtay in wafdiga Ruushku ay xaqiijiyeen taageerada Ruushka ee ku aaddan madaxbannaanida Suuriya iyo midnimadeeda dhuleed, iyagoo tilmaamay in booqashadu ay imaaneyso xilli la qaadanayo go’aamo ku aadan xiriirka u dhexeeya xiriirka Ruushka iyo Suuriya.
Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Bogdanov, ayaa ku tilmaamay wadahadallada uu la yeeshay Al-Sharaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Asaad Al-Shaibani, inay ahaayeen kuwa wanaagsan, oo wax ku ool ah, oo dhisaya xiriirka labada dhinac.
Bogdanov wuxuu sheegay in uu Suuriya u muujiyey diyaar u ahaanshaha Ruushka ee gacan siinta xasilloonida dalka, si loo gaaro xalka ugu habboon ee dhibaatooyinka dhaqaale iyo bulsho iyada oo loo marayo wadaxaajood toos ah oo wax dhisaya una dhexeeya xoogagga siyaasadeed iyo kooxaha bulshada ee kala duwan.
HBN ONLINE TV