Denmarka oo xoojinaysa ciidankeeda ka jooga Greenland, ka dib markii Donland Trump uu sheegayo inuuu la wareegi jasiirada istaraatiijiga ah

Dawlada Denmark ayaa ku dhawaaqday inay ku bixin doonto ku dhawaad laba bilyan oo doollar si ay u kordhiso joogitaankeeda milatari aagga jasiiradda Greenland, tani oo ku soo aadaysaa maalmo ka dib markii Trump uu sheegay inuu doonayo in uu la wareego Jasiirada adduunka ugu wayn.

Wasaaradda Difaaca Denmark ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay tallaabooyinkan qaaday si ay u xoojiso joogitaankeeda gobolka, taasoo ka dhalatay hadalladii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsanaa iibsashada jasiiradda Greenland.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in saddex markab oo cusub oo loogu talagalay howlaha badda Arctic la keeni doono agagaarka Greenland, halka laba diyaaradood oo drone ah oo meel fog u duula loogu adeegi doono hawlgallada ilaalada ee gobolka.

Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada 23-kii Diseembar, Trump ayaa mar kale ku celiyay hadalladiisii ahaa in loo baahan yahay in Greenland ay noqoto mid ku hoos tagta xukunka Mareykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed