Wafdigii ugu horreeyay ee Ruushka ka socda ayaa tagay magaalada Dimiqshiq ee caasimada Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashar Al Asad.
Wakalaada wararka Ruushka ee RIA Novosti ayaa sheegtay in wafdi Ruush ah ay gaareen magaalada Dimishiq, waxaana ay wadahadallo la leeyihiin masuuliyiinta maamulka cusub ee dalka Suuriya.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya laba diblomaasi oo sare oo Ruush ah oo kala Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mikhail Bogdanov iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Suuriya Alexander Lavrentiev, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka.
Booqashadan ayaa timid wax yar kadib markii Midowga Yurub uu shuruud ku xiray in cunaqabateynta laga qaado Suuriya sharuudaas oo ahayd in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dhulkeeda. Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku cadaadiyay dowladda Suuriya inay ku qasabto Ruushka inuu banneeyo saldhigyada milatari ee Khmeimim.
HBN ONLINE TV