Waa sidee Xaaladda Soomaalida ku ganacsata magaalada dagaalka qaraar uu ka dhacay ee Goma?

Soomaalida ganacsiyada ku leh magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo Dagaal qaraar ka dhacay ayaa sheegay in xiisadda taagan ay saameyn ku yeelatay ganacsigooda iyo sidoo kale noloshoodaba.

Dadka ganacsiyada ku leh waxaa ka mid ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Subeyr Xaaji, isaga oo BBC-da la hadlay ayuu ka warbixiyay xaaladdu sida ay tahay.

“Ciidamada M23 ayaa magaalada soo galay, ballanka wuxuu ahaa in ciidamada wadanka u dhashay ay hubka dhigaan, qayb ayaa diiday qaybna wey dhigeen sidaas ayuuna dagaalku ku billowday” ayuu yiri Subeyr.

Waxaa uu sheegay Subeyr in gacansiyada Soomaalida ee magaalada Goma uu qeybo kala duwan lahaa, isagoo si gaar ah u xusay Shidaalka iyo alaabaha la dhoofiyo. Waxa uu tilmaamay in dalka ay ka jirto cabsi badan, si gaar ahna hadda ay guryohooda ku sugan yihiin oo uusan jirin dhaq-dhaqaaq bannaanka ah.

“Weli majiro qof Soomaali ah oo dhibaatadiisa naloo soo sheegay ama aan maqalnay, Soomaalidu waxa ay wax la qabaan dadka kale ee magaaladan ku nool, balse hadda uusan jirin beegsi gaar ah oo ay Soomaalidu la kulmeen”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin qof dalka ka bixi kara maaddaama ay xiran yihiin garoomada diyaaradaha.

Kooxda M23 ayaa tan iyo sanadkii 2021 la wareegay gacan ku heynta qeybo badan oo ka mid ah bariga qaniga ku ah macdanta ee DR Congo. Toddobaadyadii la soo dhaafay kooxda ayaa si degdeg ah ugu sii siqaysay magaalada Goma oo ay ka socdaan dagaalo xooggan.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2025 in ka badan 400,000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan guryahooda gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed