Dagaalkii Suudaan oo xoogaystay & ciidamada Al Burhaan oo guulo muhiim ah gaaray

Ciidamada Sudan ayaa guulo muhiim ah ka gaaray dagaalada ka socda bariga, waqooyiga magaalada Khartoum ee caasimad ah iyo deegaannada bariga wabiga Niil, iyagoo sii adkeysanaya gacan ku haynta saldhigyada muhiimka ah.

Maalinimadii shalay ee Isniinta, ciidanku waxay hareereeyeen meelaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ee xaafadda Kafouri, iyagoo bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugnaayeen, waxaana ay adeegsanayaan hub culus. Goob joogayaal ayaa sheegay inay arkayeen, qiiq weyn oo ka muuqday hawada Kafouri, halkaas oo ciidanku ay xoojiyay weerarkooda. Dhanka kale, Jenaraal Abdel Fattah al-Burhan, oo ah madaxa Golaha Kumeelgaarka ee xukuumada Suudaan, ayaa gaaray magaalada Shendi si uu u kormeero ciidamadiisa halkaas ku sugan.

Dagaalkaan cusub wuxuu daba socdaa guul ay ciidanku ka gaareen dagaal ay ku qabsadeen xarunta guud ee taliska ciidanka ee bartamaha Khartoum iyo xafiisyada sirdoonka ee ku yaalla dhanka waqooyi ee Khartoum. Tani waxay calaamad u tahay wejiga saddexaad ee hawlgalka milatari ee la bilaamay 26-kii Sebtembar ee sanadkii hore.

Bariga Khartoum, ciidanka ayaa qabsaday goobo muhiim ah oo ku dhow Kulliyadda Rabat ee xaafadda Burri, waxayna gudaha u galeen xaafadaha bariga wabiga Niil, oo ay ka mid yihiin Al-Ezba iyo Kafouri. Ciidamo kale ayaa loo wareejiyay saldhigga shidaalka ee Al-Jili oo ku yaalla waqooyiga Khartoum, kuwaas oo loo dhaqaajiyay deegaannada Cad Babiker iyo Ramallah si ay ugu biiraan ciidanka kale ee ka dagaallamaya Kafouri, oo ah xarun muhiim ah oo ay RSF ku xooggan tahay.

Ciidanka ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday goobaha RSF ee ku yaalla Kafouri iyagoo ka soo tuuraya madaafiic culus dhinaca Omdurman, oo ku taal galbeedka wabiga Niil. Wararka waxay sheegayaan in hoggaamiyaha RSF ee deegaanka Khartoum Bahri uu aad u adkeeyay ammaanka gurigiisa ku yaalla Kafouri, kadib markii ay ciidanka dowladda horumar sameeyeen maalmihii la soo dhaafay dagaalka. Ciidamada Kaydka Dhexe ayaa la geeyay deegaanka Abu Saleh ee bariga wabiga Nile si ay uga hortagaan wax kasta oo isku day ah oo ay RSF ku soo geli karto aagga.

Gudaha Khartoum, ciidanka ayaa si tartiib ah ugu sii gudbay xaafadaha Al-Mazad iyo Al-Shaabia, halkaas oo ay ka bilaabeen daadgureynta dadka rayidka ah ee wali ku haray xaafadahaas. Ciidanku waxay sidoo kale diiradda saareen inay gacanta ku dhigaan meelaha muhiimka ah sida buundooyinka iyo taliska ciidanka, si ay ugu xirmaan ciidamada ka socda xarunta guud ee taliska iyo xarunta madaxtooyada, hay’adaha dowliga ah, iyo suuqa Carabta.

In kasta oo ciidanka ay ku guuleysteen inay dib u qabsadaan goobo mihiim ah oo waaweyn oo ku yaalla Omdurman iyo waqooyiga Khartoum, hadana wali waxay la tacaalayaan caqabado adag si ay si buuxda ugu hareereeyaan RSF.

Ciidanku waxay xoogga saarayaan inay isku xiran aagagga muhiimka ah sida Muqrin, saldhigga ciidamada gaashaaman, iyo xaafadaha koonfurta caasimadda kuwaasi oo mudnaanta koowaad u leh.

Ciidamada Sudan waxay sii wadaan inay si xeeladeysan ugu siqaan furimaha hore ee dagaalka iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan dagaalka Khartoum iyo inay wiiqaan awoodda RSF, balse isku horimaadyo wali waa ay socdaan, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed