Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka warbixiyay xaaladdii loo soo maray in Ciidamada Masar ay aqbasho Dowladda ayaa sheegay in uu caqabado badan laga soo talaabieyey, si ay uga qayb noqoto howlgalka AUSSOM.
Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo cilaaqaad muddo fog soo billowday, waxa uu si daahsoon u sheegay in bilhii la soo dhaafay dhinacyo kala duwan laga soo tuurayay sidii Masar looga hortaagi lahaa howlgalkaan cusub ee billowday 2025.
Ma uusan magac xusin cidda ama dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadiyay sidii Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika kana mid ah Dalalka safka hore kasoo galay dhinaca awoodda Qaaraddaan ee Masaarida.
“Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray cadaadis Masar looga reebi rabay howlgalka Midowga Afrika, dhinacyo kala duwan ayaa laga soo tuuray arrintaas, Jabuuti & Dalalka kale ee deriska ayaa howlgalkaan ku jira balse culeyska waxaa la saaray Masar ku biiristeeda howlgalkaan”ayuu yiri Fiqi.
Sidoo kale, Wasiirka oo ku dheeraaday dhinaca cilaaqaadka Masaarida ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in aanay arrin cusub ahayn in Xukuumadda Qaahira ay garab istaagto dhiggeeda Muqdisho, balse arrinta keliya ee la hadal hayo ay tahay in ciidanka dalkaas ay soo galayaan ciidda Soomaaliya.
Ciidamada Masar ay keenayso dalka ayaa ka koobnaa doono laba ciidan oo mid ku howlgali doono magaca AUSSOM & kuwo madax-banaan oo ku imanaya iskaashi u dhexeeya labada dal, sida uu sheegey Wasiirka Arrimaha dibedda Axmed Fiqi.
Sababta loo keenayo Soomaaliya ciidamada Masaarida ayuu sheegay inay tahay taageerto ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, in gacan ay ka geysato tababarkooda iyo qalabeyntooda, taasine ay keeni kartay in laga reebo sida uu hadalka u dhigay ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Itoobiya oo xiisad dhinaca wadaagga Biyaha Nile kala dhaxeysa Masaarida ayaa dhowr jeer qaadday tallaabooyin ay ku hor istaageyso in Dalkaas uu saami ku yeesho ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM.
Qaahira ayaa dadaalkii ay gelisay ka gungaarista howlgalkaan ugu dambeyn ku guuleysatay 25-kii Bishaan oo laga aqbalay xubinnimada Howlgalkaan billowday 2025 ee AUSSOM.
HBN ONLINE TV