Tirada dadka ajaaniibta ah ee maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa war kasoo baxay ciidamada Puntland ku sheegeen inay gaarta 300 oo ruux, iyadoo weli howlgalo kale sii socdaan.
Laamaha amnigu Puntland ayaa tilmaamay inay baarista ka socota magaalada ay qeyb ka yihiin dadka shacabka, kuwaasoo soo sheegaya shaqsiyaadka ay ka shakiyaan iyo ajaaniibta kale.
Sidoo kale, ciidamada oo gacanta ku dhigay 100 ruux oo kale ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku carrabaabeen in baaris lagu wado xogta shaqsiyaadka ajaaniibta ah.”Ciidamada amaanka ayaa baaraya fiisaha & xogta shaqsiga ah ee ajaanibka degan caasimada. Ku dhawaad 100 qof ayaa hadda waxaa ku socda baaritaan, iyadoo tiro intaas ka badanna horay loo xaqiijiyay” ayaa lagu yiri warka laamaha amniga Puntland.
Howlgalada lagu raafayo dadka ajaaniibta ah oo amar ka soo baxay maamulka Puntland lagu soo qabqabanayo ayaa saaka waaberigii ka bilowday meelo kala duwan oo gobolka Bari ah.
HBN ONLINE TV

