Howlgal Boosaaso ka dhacay oo lagu soo qabtay Gaarigacan Qaraxyo iyo Bambaanooyin ah

Ciidamada amniga gobolka Bari oo howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka wada magaalada Bosaaso ayaa soo bandhigay Bambooyin iyo agabyo kale oo loo isticmaalo qaraxyada, Kuwaas oo laga helay Guri ninkii Ajnabiga ahaa oo xalay ciidamadu ku dileen sida hadalka ay u dhigeen isagoo Qarax aasaya.

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdulqadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in ciidamada oo u dhacay guriga ninkan uu ka deganaa Boosaaso in laga soo helay hub culus, isaga oo Bulshada ugu baaqay in ay taxadaraan, soona sheegaan qof walba oo ay ka shakiyaan.

Waxyaabaha cajiibka ah ee warbaahinta lala wadaagay waxaaa ka mid ah in ninkaan qeybta kore ee miiskiisa ganacsi oo Gaarigacan ka sameysnaa uu ku iibin jiray Tusbaxyo iyo Cataro, halka qeybta hoosane laga helay Bambooyin, Qaraxyo iyo hub fudud.

Ninkan Xalay Ciidamada Puntland ku toogteen magaalada Boosaaso oo ka tirsanaa kooxda Daacishayaa miino ku aasayay sida hadalka loo dhigay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil oo Boosaaso ka tirsan, isagoo xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ku sugnaa goobtaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed