Puntland oo go’aan adag ka soo saartay Ajaaniibta sharci darada ku soo gala deegaannadeeda & dadka la shaqeeya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo sheegtay iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay ayaa meesha ka saartay inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.

Puntland ayaa ka mamnuucday dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.

Sidoo kale, waxay ka mamnuucday Shirkadaha isgaarsiinta inay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan, iyada oo amartay in si degdeg ah u xiraan koontoonyinka isgaarsiin ee u furan.

“Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado, hadda shaqeeya” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Dhanka kale, Puntland ayaa amartay laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, in qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri laga kireeyo guri, Lambar looma furi, lalana shaqaalayn karin, halka Cidkasta oo hawlahaas fududaysa loo aqoonsan doono sida hadalka lo dhigay inay faldambiyeed gacanta kula jirto.

Ugu dambeyn waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego, taasi oo maamulku ula jeedo in dadka ajaaniibta ah ka reeban yahay.

Arinkan ayaa ku soo aaday xili maanta la soo bandhigay miis ganacsi oo Gaarigacan ka sameysan, kaasi oo uu lahaa nin Ajnebi ah oo uu ku iibin jiray Tusbaxyo iyo Cataro, halka qeybta hoosane laga helay Bambooyin, Qaraxyo iyo hub fudud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed