Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa baaris ku wada in ka badan 100 Humburo ku soo caariyey Xeebta magaalada Boosaaso, kuwaa oo aan la ogeyn waxa dhaliyey dhacdaan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa u sheegay Wakaallada Reuters in ilaa hadda la tiriyay ugu yaraan 110 Humburo ah ku soo caariyeen Xeebta meel aan ka fogeyn dekedda magaalada Boosaaso.
Xagaa waxaa uu sheegay in muunado la qaaday si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.
“Ilaa hadda, waxaan ognahay in dhimashadooda aysan ka dhalan nabar ka soo gaaray shabaqyada, sababtoo ah ma jiraan wax dhaawac ah ama googo’an,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in saraakiishu aysan rumaysnayn in walxaha sun ah aanay dhimashooda la xariirin.
Maalintii Khamiistii Dadka degan aag meel aan ka fogeyn dekadda magalada Boosaaso ayaa warbaahinta bulshada dadka kula wadaagay muuqaalada tobanaan Homburo ku soo caariyeey, iyadoo maamulka carrabaabay inuu weli baaris ku wado.
HBN ONLINE TV