Sheekha ugu caansan Sunnida dalka Iiraan, Maulvi Abdul Hamid Ismail Zahi, ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Iran in ay si “daacadnimo leh oo dhab ah” wadahadal ula galaan Maraykanka iyo Midowga Yurub si looga fogaado cunaqabateyn iyo dagaal.
Sheekhu wuxuu sheegay in Iiran ay tahay inay siyaasadeeda ku waafajiso duruufaha cusub oo ay bilaabaan wadahadalo dhab ah oo wax ku ool ah. Khudbaddiisa Salaadda Jimcaha ee maalinimadii shalay uu ka jeediyay magaalada Zahedan, oo ah caasimadda gobolka Balochistan ee koonfur-bari IIran, Maulvi Abdul Hamid wuxuu ku booriyay Iran inay gasho wadaxaajood lala yeesho Maraykanka iyo Midowga Yurub si looga fogaado dagaal iyo cunaqabateyn adag.
Wadaadkan ayaa ugu baaqay dowladda Iiran inay beddesho siyaasadeeda si ay ula jaanqaaddo xaaladaha cusub, isagoo uga digay in cunaqabateyno dheeraad ah loo qorsheeyay Iiran, iyo in khatarta dagaal ay waddanka ku soo fool leedahay.
Imamka Sunni-ga ayaa intaas ku daray in cunaqabateynta ay faa’iido u noqon karto tiro yar, laakiin ay dhaawacyo culus u geysatay inta badan dadweynaha.
Sheekh Abdul Hamid wuxuu tilmaamay xaaladda dhaqaale ee waddanka, isagoo sharaxay in musuqmaasuq iyo hanti lunsasho baahsan ay jirto, isla markaana ay jiraan kuwo hantida qaranka si weyn u qaatay. Wuxuu ku baaqay in la sameeyo nidaamyo iyo barnaamijyo cusub oo lagu joojinayo arrimahan.
Ka hor iyo ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xilka qabtay, mas’uuliyiinta Iiran, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Bezeshkian, ayaa si taxadar leh fariimo ugu diray Maraykanka iyagoo muujinaya inay diyaar u yihin wadahadal.
Si kastaba ha ahaatee, dhowaan Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ali Khamenei, oo go’aanka ugu dambeeya leh haddii wadahadal lala yeesho Trump iyo in kale, wuxuu ku tilmaamay madaxweynaha cusub ee Maraykanka inuu yahay “shakhsi ku riyoonaya,” sababtoo ah buu yiri wuxuu aaminsan yahay in Iiran ay daciiftay.
Tehran waxay ka cabsi qabtaa in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu xoojiyo siyaasaddiisa “cadaadiskii balaaran ” si uu ugu qasbo Iran inay aqbasho heshiis cusub oo shuruudo adag leh.
HBN ONLINE TV