Taliyayaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo hoggaamiyaha Macalislayda Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ciidamada kala duwan oo deegaan iyo Xoogga dalka ah khubado ay u jeediyeeen waxay ku sheegeen in loo diyaar garoobo guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.
Hogaamiyaha Ciidamada Macalislayda Hiiraan iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay Ciidamada isku dhafka ah ayaa sheegay in ay diyaar u noqdaan duullaan ka dhan ah Alshabaab, si looga qabsado deegaannada ay ka joogaan Gobolkaas.
Cali Jeyte waxa uu xusay in dhaqdhaqaaqa socda uu u baahan yahay go’aan lagu dhammeystirayo qaybta dhiman, waxaana uu saraakiisha ciidanka Xoogga & Taliska Nabadsugidda ka dalbaday in laga shaqeeyo sidii looga qabsan lahaa Alshabaab goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka.
“Meesha aan Alshabaab Xabbadda ugu ridno cid kasta oo joogta waa Shabaab, maanta fursad ayaa jirta waana dareemayaa duruufta jirta ee aan ka faa’iideysano, Dagaal qabiil baa la galaa oo cadaabta lagu galayo, mid janno lagu galayo ayaa jiree ee maanta galno, hala is cafiyo oo niyad aan dagaalka ku galno” ayuu yiri Cali Jeyte.
Sidoo kale, Taliyah NISA Sanbaloolshe oo dhankiisa la hadlay ciidamada loo diri doono goobaha dagaalka ayaa carrababay in laga sugayo in wacdaro ay ka dhigaan.
“Waa inaan isku dhaarsano in ilaa dalka laga xoreynaayo in midkeen gadaal u noqon karin [Ka bixi karin]” ayuuyiri Taliye Sanbaloolshe.
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaqdhaqaaq lagu doonayo fulinta howlgallo ka dhan ah Alshabaab, waxaana ku sugan Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, kan Dhulka & Saraakiil kale oo hoggaaminaya talis qaybeedka kala duwan ah.
HBN ONLINE TV