Madxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda dalka Masar kulan uu kula yeeshay dhigiisa dalkaasi Cabdil Fitaax Alsiisi kula saxiixday heshiisyo lagu xoojinayo Iskaashiga iyo Amniga dal.
kulanka ka dhacay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahir ee Al-siisi iyo Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo kobcinta dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.
Intaasi ka dib heshiisyo dhanka isku socodka ah ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar, iyada oo labada Dawladood ay ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saaro culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.
Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa Masar uga mahadceliyay dadaallada ay ku dooneyso horumarka Soomaaliya, isla markaasna ay sii xoojin doonaan xiriirka labada dal.
Dhinaciisa, Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi ayaa sheegay in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya ay qayb muhiim ah ka yihiin amniga qaranka Masar, isaga oo xaqiijiyay in ay qeyb ka noqon doonaan howlgalka AUSSOM.
Waxaa kale oo madaxweynaha Masar uu xusay in xiriirka labada dal uu mudnaanta sare siinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo siyaasadda, gaar ahaan xaaladaha amni ee Geeska Afrika iyo ammaanka Badda Cas.
Booqashadan ayaa muujinaysa sida hadalka loo dhigay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka Masar iyo horumarinta dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo nabad-waarta iyo xasilloonida Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV