Wax ka ogow wadahalada Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ugu socda Qaahira

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo fiidnimadii Arbacadii xalaay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar ayaa uu wada-hadallo la leh maanta dhigiisa Masar Cabdel-Fattah Al-Sisi.

Labada hoggaamiye ayaa kulamadooda waxaa Villa Soomaaliya sheegay in diiradda ay saari doonaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha loogu yeero argagixisada iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga gobolka.

Booqashadan ayaa imanaysa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen yareynta xiisadaha ka dhex jiray, kadib heshiiskii Ankara ee dhacay 11-kii Diseembar ee sanadkii hore. Heshiiskan ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka gobolka iyo lagu xoojinayo wada-shaqeynta derisyada.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aaddan in tiro ciidamada Masar ah loo soo daadgureeyo si ay uga qaybqaataan hawlgalada Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo lagu xoojinayo nabadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka.

Booqashadan ayaa muujinaysa sida hadalka loo dhigay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka Masar iyo horumarinta dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo nabad-waarta iyo xasilloonida Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed