Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumadiisu ay si adag u la shaqaynayso Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha oo xiligaan ka shaqaynaya in dalka laga qabto sida ay dowladda ku dooday doorasho qof iyo cod ah.
Shaqada uu waddo guddiga doorashooyinka ayuu carrabka ku dhuftay in inay dalka u horsedayso sida uu hadalka u dhigay hormar waara oo looga gudbo caqabadaha doorasho xumo ee Soomaliya wajahaysay in ka badan 50 Sanno.
Xamsa ayaa sheegay doorka xukuumadiisa inuu yahay garab istaaga guddiga si uu si hufan ugu guto waajibka adag ee horyaala oo Bulshada Somaliyeed sugayaan.
Guddiga ayuu kula dardaarmay inay ku dadalaan shaqada doorashada oo uu sheegay inay tahay midda qura ee dadka Soomaaliyeed u horseedi karta inay helaan xuquuqdooda Dastuuriga ah.
Xubnaha Muraacadka ku ah dowladda ayaa ka hor yimid guddiga doorashooyinka oo 20-kii bishaan ku dhawaaqay inay bilaabeen diwaanka ururada siyaasadda dalka. waxaa la filayaa diwaan galintu soo idlaato dhamaadka bisha Maarso ee sanadkan.
HBN ONLINE TV