Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dagaalo culus ay ka socdaan dhowr gobol, kuwaasi oo dhexmaraya ciidamada dowladda, oo uu hoggaamiyo Cabdulfatax al-Burhan, iyo Xooggaga Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF oo uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo, waxaana iskau horimaadyada kuwooda ugu culus ay ka socdaan koonfurta dalka.
Warbaaxinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in ciidamada Suudaan ay iska difaacayaan duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay RSF la beegsatay warshadda korontada Um Dabakir ee gobolka Nile-ka Cad.
Cutubka 18-aad ee ciidamada lugta ayaa la sheegay in ay soo rideen diyaarado isku day weerar ku qaaday warshadda, taasoo khasaare kooban gaarsiisay xarunta. Kooxaha farsamada ayaa haatan dayactir ku sameynaya qaybaha waxyeelladu soo gaartay.
Weerarkan ayaa daba socda weerarro hore oo RSF ay ku qaaday kaabayaasha korontada ee Suudaan. Sabtidii hore, xarumaha korontada ee gobollada Al Qadarif iyo Sennar ayaa la beegsaday, taasoo waxyeelo weyn gaarsiisay matoorada dabka korontada dhaliya iyo khadadka gudbinta korontada.
Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF ayaa sababay dhimashada in ka badan 20,000 oo qof iyo barakaca in ka badan 14 milyan oo qof.
Hay’adaha caalamiga ah ayaa sii wada baaqyada ku aadan in dagaalka la joojiyo, iyagoo ka digaya musiibo bini’aadanimo oo sii xoogeysanaysa maadaama dagaalka uu ku faafay 13 ka mid ah 18-ka gobol ee Suudaan.
HBN Online TV