Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo sheegtay inay ka duulayso bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee safraya ayaa cadaysay in shacabka Soomaaliyeed ee howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri ah 22/01/2025.
Hay’addu Duulista ayaa ka digtay wararka ay shaqsiyaadka ku faafiyeen baraha bulshada oo lagu sheegayo inay safarada gudaha carqalad ku imaan doonto berito ah.
Hay’adda ayaa daboolka ka qaaday in amar wada jir ay u soo saareen iyaga iyo maamulka garoonka uu dhigayey in shirkadaha aan diyaaraduhu ujoogin ay marka rakaab soo xareeyaan ay ka dhalatay tacadi baaxad leh sida hadalka loo dhigay oo sababay cabashooyin xad dhaaf ah.
“Hayadda Duulista Rayidka waxa ay baaritaan kusameeysay diyaaradaha gudaha, kuwaas oo ay ka heshay arimo saamay ku yeelan kara badqabka rakaabka raacaya, ayna Hay’addu ku amartay in aanay duulimaad samayn karin inta dayactir rasmi ah oo sharciga waafaqsan looga sameeynayo” ayey tiri.
Bayaankan oo wada jir ay u soo saareen Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista ayaa carrababay inay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka.
HBN ONLINE TV