Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya oo sheegtay inay la socoto dhaqdhaqaaqyo Kooxda Alshabaab wado ayaa ganacsatada, dallaaliinta iyo darawallada gaadiidka uga digtay maalgelinta iyo bixinta lacagta loogu yeero Zakawaat-ka.
NISA oo sheegtay inay iyada oo tixraaceysa amarka Madaxweynaha DFS ee 4-tii Diseembar 2024 oo kusaabsanaa joojinta maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada ayey digniin adag u dirtay ganacsatada, dallaallinta, iyo darawallada gaadiidka ee isku daya in ay u dhego nuglaadaan Alshabaab.
Hay’adda ayaa carrabka ku dhufatay in tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka laga qaadi doono qofkii dhaqdhaqaaqa socda lagu qabto.
“NISA, waxa ay si dhow ula socotaa dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan la macaamilka Khawaarijta, waxaana cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka” ayaa lagu yiri warka Hay’adda.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in hoos loo dhigay lacagaha Sakawaat-ka ah ee kooxda dadka, ka dib makrii laga xiray sida ay hadalka ay u dhigtay koontoonyin badan oo lacagaha lagu qaadi jiray.
HBN ONLINE TV