Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka dhaqaalaha adduunka kaga hadlay xaaladda dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Davos ee dalka Switzerland kaga qeyb galay shirka dhaqaalaha adduunka ayaa khudbad uu ka jeediyey waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo Soomaaliya ku aadan iyo adduunka.

Khudbada madaxweyne Xasan ayaa ku saabsaneyd kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya ay la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa guddoomay abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo ka turjumeysa sida ay Madaxtooyadu carrabowday dadaalkiisa hoggaamineed ee u hiilinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirar doceedyo kale ayaa lagu wadaa in madaxweynaha uu la yeesho hoggaamiyeyaasha caalamka oo qaarkood dheceen iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee Shirka ka qayb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed