Ciidamada difaaca Puntland ee gobolka Bari ayaa sheegay in Xubin sare oo katirsan kooxda Daacish uu isu soo dhiibay, kaasi oo ay carrabaabeen inuu ka faa’idaystay fursadda Dowladda.
Xubintan saaka isu soo dhiibay Ciidamada Puntland oo aan la ogeyn dhalashadiisa iyo halka uu ka soo jeedo ayaa aan la soo gudbin wax xog oo dheeraad ah oo ku saabsan.
Puntland waxay sheegtay in kooxda cidii ka soo goosata aan loola macaamili doonin si la mid ah maxaabiista kale ee laga qabto ee Soomaalida iyo Ajaanibta ah.
Howlgalka Puntland ugu magac dartay ‘ciribtirka argagixisada’ ee ka socda buuraha Cal-miskaad ee Bari ayey ku burburisay fariisimo iyo goobo ay ka mid yihiin xarumihii Saadka, keydka iyo goobo kale oo ay carrabaabtay inay ahaayeen meelo laga soo maleego sida ay hadalka udhigtay Qaraxyada. Puntland waxay sheegtay in howlgalku uu u gudbay wajiga labaad.
HBN ONLINE TV