Dowladda Soomaaliya oo si adag uga jawabtay in Muqdisho looga yeeray Safiirka u fadhiya Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku sheegtay war aan sal iyo raad toona laheyn, ka dib markii ay baraha bulshada iyo warbaahinta ay ku baahday xog sheegaysa in Muqdisho looga yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya .

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya oo soo saartay bayaan diidmo adag ah ayaa sheegtay in Warka la wareejinayo uu yahay mid been abuur ah.

Bayaanka ayaa lagu carrababay in hadalada la isla dhexmarayo ee ah in dowladda Soomaaliya u yeeratay safiirkeeda Nairobi uu yahay mid aanay waxba ka jirin.

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho ay tahay war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah.” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Hadalka Wasaaradda ayaa imaanaya ka dib markii la sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka qaaday diyaaradda laga lahaa Kenya madaxweynaha Jubbaland oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo Dowladda Soomaaliya, taasi oo ka dejisay magaalada Nairobi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed