Soomaaliya oo soo bandhigtay Ciidamo loo tababaray la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah & Burcad badeedda

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Ciidamo ilaalin doono xeeebaha dalka, ka dib tababar ka dhacay gudaha Biyaha Soomaaliya oo kaalin ay ka qaadanayeen ciidamada badaha ee midowga Yururb.

Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya oo dhoolatus la sameeyey Markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee howlgalka Midowga Yurub ayaa sameeyey tababar lagu fulinayo sharciga iyo kobcinta awoodda ilaalinta sharciyada badda.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa carrabowday in ciidamadan loo diyaariyey ka jawaabidda deg degga ah ee la dagaalka kalluumeysiga sharci darrada ah, burcad badeedda iyo guud ahaan sugidda amniga badda.

Inta Tababarka lagu jiray ayaa la soo bandhigay seddax ka mid ah doomaha nooca howlgallada oo uu ku buufsan yahay aqoonsiga booliska Soomaaliya iyo diyaarad Helicpotar ah.

Horaantii Bishaan ayey markii laga laga sii daaayey Badda Soomaaliya Markab Kalluumeysi oo laga lahaa dalka Shiinaha, kaasi oo bishii November ee sanadkii hore lagu afduubtay meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya, iyada oo kooxda heystay ay dalbadeen $10 Milyan oo doollar, inkasata oo aan la ogeyn la siiyey iyo inkale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed