Warbixin cusub oo kasoo baxday ENACT Africa oo ah barnaamij uu maalgeliyo MidowgaYurub kana shaqeeya la dagaalanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah ee ka jira qaaradda, ayaa daaha ka qaaday saameynta ba’an ee kalluumaysiga sharci darrada ah uu ku leeyahay badaha Soomaaliya.
Warbixintu waxay muujisay sida kalluumaysiga sharci darrada ah uu u burburinayo kaydka kalluunka nooca tuunada jaallaha iyo sida ay u muuqato daciifnimada maamulka badda ee Soomaaliya.
Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika kana mid ah meelaha kalluumaysiga ugu khayraadka badan ee Badweynta Hindiya ayaa si xad dhaaf ah looga gaystaa kaluumaysi sharci daro ah.
Maraakiib ka socda Shiinaha, Iiraan, iyo Pakistan ayaa adeegsanaya xeelado burburinaya deegaanka sida jarista dhulka hoose ee baddaiyo qalabka soo jiidashada kalluunka, taas oo keentay in kaydka kalluunka la tirtiro iyo in deegaan badeedka la burburiyo.
Khubaradu waxay eedda dusha uga tuureen maamulka badda oo daciif ah, musuqmaasuq baahsan iyo qandaraasyo si liidata loo fuliyey, taas oo sii hurinaysa dhibaatadan. Waxaa lagu qiyaasaa in kalluumaysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya uu ku kaco lacag dhan $300 milyan oo doollar sanadkii, taasi oo si weyn u saameyneysa dhaqaalaha dalka iyo sugnaanta cuntada.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu ma xusin doorka shirkadaha Yurub ee ku lug leh kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya. Dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo ururada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa dhalliilay arrintan, iyagoo soo xiganaya caddeymo ay soo bandhigeen hay’adaha deegaanka oo ku eedeeyay shirkado reer Galbeed ah in ay wasakhda warshadeed ku shubaan biyaha badda Soomaaliya, taasoo keentay burbur muuqda oo deegaanka ah sannadihii la soo dhaafay.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in madaxda iyo siyaasiyiinta dalka ay iska indha-tirayaan arrimahan muhiimka ah ee deegaanka, halkii ay xooga saari lahaayeen xalinta dhibaatooyinkan, waxayna door bidayaan inay ku mashquulaan xukun iyo xil raadis, iyadoo dalka uu wajahayo khataro deegaan oo isa soo taraya.
Sidoo kale arinkan waxaa uu imaanayaa iyadoo adduunku wajahayo khatar dhanka isbedelka cimilada ah iyo saameyn adag ee ka dhalatay wasakhowda badda oo dhibaato ku yeelay Kalluunta iyo wax soo saarka badaha.
Kalluumeysata Soomaaliya ayaa cabasho aan dhag jalaq loo siin ka soo gudbiya Maraakiibta shisheeye oo jariifa shamaagahooda iyo Doomaha, taasi oo weli ah caqabad muuqato oo wax xal ah laga gaarin.
HBN ONLINE TV