Qaar ka mid ah Haweenka qaadka ku iibiya Muqdisho oo banaanbax loog soo horjeedo Jaadka qaabiloobay ka dhigay magaalada ayaa dalbaday in la joojiyo, haddii aan qiimahiisa la dhimi karin.
Haweenka banaanbaxa dhigay oo isugu soo baxay ilinka wadada laga soo galiyo Muqdisho ee KM-4 ayaa sheegay in sicirka suuqa uu awal ku imaan-jiray Jaadka wax weyn laga beleday.
Sidoo kale waxay ku doodeen in dadka macaamiisha ah aanay awoodin qiimaha la dulsaaray hadda Jaadka, taasi oo ay u sababeeyeen in khasaare uu ka soo gaaray.
“Marduufka khaadka ah waa $40 doollar, ninkii kuu yimaadana wuxuu ku rabaa $8 doollar” ayey tiri haweeney ka mid aheyd banaanbaxayaasha.
Sidoo kale, Mid ka mid ah dumarka iibiya Khaad oo rajo xumo ka muujisay ayaa ku adacootay “Khaadka xabsi kor ka feynaaa ugu jirnaa, haddaan ogahay meelaan shan doollar ka helaa ma soo aadeen” ayey yiri tiri.
Muqdisho oo ah suuqa weyn Khaadka Soomaaliya la keeno ayaa wajahaysa sida aan ka soo xiganeyno dadka ka ganacsada suuq xumadii ugu weynayd, ka dib markii cabashooda la dhageysa waayey.
HBN ONLINE TV