Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan oo maanta la hor keenay rag ku eedeysan inay isbaaro ku baadi jireen gaadiidka safarka ah ayaa kiiskooda waxay ka soo saartay go’aan adag.
Shan rag oo ka hor qirtay Maxkamadda inay gaadiidka ka qaadi jireen lacago baad ah oo u dhexeysa $15 ilaa $100 ayaa ku dooday inay ku maareyn jireen sugida ammaanka sida hahalka u dhigeen wadada ay maamulaan.
Baaraaha kiiska xubnahaan ku eedeysan isbaaraleyda oo gal dacwadooda la wadaagay Maxkaamadda ayaa sheegay in raggaan si kas ah u wada galeen dambiga, isaga oo ka codsaday garsoorka in eedeysanayaasha lagu xukumo ciqaabta u qalanta dambiga lagu helay.
Sidoo kale, raggaan qudhooda ayaa garsoorka u sheegay inay gaadiid lacag bixi waayey ay dhibaato u geysteen, inkasta oo khasaaraha ay gaarsiiyeen aanay la wadaagin Maxkamadda.
Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad ayaa shanta eedeysane ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah, iyada oo kala wareegtay xubkii lagu soo qabtay.
HBN ONLINE TV