Wasiiradda amniga gudaha Soomaaliya iyo Ciraaq oo gaaray heshiis is-faham oo dhanka ammaanka ah ayaa Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen waxay shaaca kaga qaadeen inay ka wadahadleen hortagga kooxaha sida Al-Qaacida iyo Daacish, iyada oo Soomaaliya heshay yabooh arinkaasi ku aadan.
Cabdul Caamir Al-Shammari Wasiirka Arimaha gudaha Ciraaq oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay Soomaaliya inay ka dalbatay codsi ku aadan la talinta, tababarrada iyo khibrad-wadaagga la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada Al-Qaacida iyo Daacish.
Wasiir Al-Shammari ayaa muujiyay sida ay Ciraaq diyaar ugu tahay inay bixiso taageero dhan walba ah oo ay ku jiraan tababaro iyo khibrad urureed, si ay Soomaaliya uga caawiso inay wax ka qabato caqabadaha amni ee ka jira, isagoo ammaanay dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto sidii dalka looga hirgelin lahaa amni iyo xasillooni.
Dhanka kale, Wasiirka amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa socdaalkiisii Baqdaad ku sheegay mid guul ku soo dhammaaday, waxaana uu xusay inuu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq, isla markaana uu kormeeray taliska ilaalada xuduudaha si uu ugu kuurgalo dadaallada socda.
“Waxaan sidoo kale booqan doonaa cutubyo kale, oo ay ku jiraan sirdoonka iyo ka hortagga maandooriyaha,” ayuu yiri wasiir Fartaag.
Wasiir Fartaag waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida ay Soomaaliya u qabto in ay ka faa’iidaysato khibradda Ciraaq ee la dagaalanka argagixisada, ilaalinta xuduudaha iyo la dagaalanka ka ganacsiga daroogada.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa u mahad celiyay Ciraaq sida ay uga go’an tahay bixinta taageerada lagama maarmaanka ah si kor loogu qaado ammaanka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV