Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dib u dhigtay fadhiga Golayadii golaha Deegaanka ee bishaan Janaayo 2025 lagu waday in uu furmo, waxaana loo sababeeyey howlgallada ka socda Gobolka Bari.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in fadhiga uu furmi doonno Bisha Juun isla sanadkaan oo ah 5 bil ka dib, waxaana ay ku baaqday in laga qaybgalo sida ay hadalka u dhigtay dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Alshabaab .
“Waxaa lagu wargalinayaa masuuliyiin heer gobol iyo degmo in laga wada shaqeeyo garab istaagga iyo taakuleynta ciidamada Dowladda Puntland ee ku jira howlgalka ciribtirka argagixisadda” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Puntland.
Puntland oo sheegtay inay wado dagaal ka dhan Daacish buuraha Cal-miskaad ayaa burburisay fariisimihii sahayda iyo caafimaadka ee kooxdu ku laheyd dhulka howdka ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV