Dawlada Soomaaliya oo si cad u sheegtay mowqifkeeda ku aadan in saldhig ciidan Itoobiya ku yeelato xeebaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday inay siineyso Itoobiya saldhig ciidan oo badda ah, ka dib heshiisyadii Ankara iyo Addis Ababa oo qodobo qodobada ka soobaxay aanan lagu soo hadal qaadin arinkaasi.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad oo difaacay heshiisyada lala galay Itoobiya ayaa sheegay in dhamaan ay ahaayeen sida uu hadalka u dhigay kuwo qaranka lagu difaacayo.

“Cad Dhul Soomaali leedahay in dalka la siiyo qorshaha inooguma jirto. In saldhig ciidan wadanka kale leeyahay dalkeena laga dhiso qorshaha nooguma jirto” ayuu yiri Cali Balcad.

Heshiiska lala galay Itoobiya ayuu sheegay in uusan waxba ka duwanaan doonin kan Jabuuti ay la leedahay, kaasi oo ah mid ganacsi.

Wasiir Cali Balcad ayaa shaaciyey in marnaba Soomaaliya ugu tala jirin in gacan cadmeed goob ay wax kala soo degto laga siiyo Addis Abab, inkasta oo uu soo hadal qaaday Dekadda Berbera oo sida uu hadalka u dhigay ku haboon.

Dadka falanqeeya diblomaasiyadda gobolka ayaa qaba in Soomaaliya heshiiska ay la gashay Itoobiya uu xadadi doono galaalan-galkeedii ay la laheyd mamaulada Soomaalida, kuwaa siyaaba ka madax banaan dowladda dhexe u la shaqeyn jiray Xukuumadda Addis Ababa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed