Dowladda Soomaaliya oo wafdi sare u dirtay dagalka Ciraaq ayaa sheegtay in halkasi u tageen sidii Soomaaliya iyo Ciraaq iskaga kaasha lahaayeen amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo masuuliyiintan is dhaafsa doonaan afkaaraha labada dowladood.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo masuuliyiin kale oo maanta gaaray magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa dalkasi ku soo dhoweeyay magaalada Ziad Taha Ali oo ah La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq.
Socdaalka wasiirka waxaa ku wehliya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Abdalla Abdalla iyo masuuliyiin kale oo ka socda hay’adda kale ee Dowladda Soomaaliya.
Safarkan ayaa DFS ku sheegtay inuu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo wafdigu la kulmi doono mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq.
HBN ONLINE TV