SSC-Khaatumo oo ku goodisay inay dib u qabansan doonto magaalada Ceerigaabo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa shacabka SSC ugu baaqay in loo diyaar garoobo dagaal sida uu hadalka u dhigay Somaliland lagaga saarayo magaalada Ceerigaabo.

Firdhiye oo hadal ka jeediyay xaflad loogu dabaaldegayay munaasabadda aasaaska maamulka SSC Khaatumo ayaa sheegay in farxadda xusku aanay dhamaystirneyn inta ay Ceerigaabo gacantooda ka maqantahay.

“Caawa waxaan halkan uga sheegayaa reer SSC, meel ay joogaanba, in loo diyaargaroobo sidii aynu ugu guuri lahayn Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag. Ma aqbalayno in dhulkeennii oo qaybo ka mid ahi ay gacanteenna ka maqanyihiin aynu ka ladnno, ka fadhiisanno ama ka gaabino,” ayuu yidhi Firdhiye.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in ciidamada sida warka u dhigay ay Somaliland barakiciyeen qeybo ka mid ah shacabka Ceerigaabo, isla markaana ay waxyeelo u gaysteen hantidooda, taasi oo anay aqbali doonin.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa ku goodiyay inay Somaliland kala wareegi doonaan magaalada Ceerigaabo sidii Laascaanood ay ugala wareegeen, isaga oo sheegay in ay ku gudo jiraan qorshihii ay kula wareegi lahaayeen magaalada.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada reer SSC, dal iyo dibad, meel ay joogaanba, in halganku aanu dhammaanin. Waa kala dhiman yahay. Waa in loo guntado sidii halgankaa dalkeenna iyo masiirkeenna aynu u galnay aynu u dhamaystiri lahayn. Qorshaheedii iyo tabaabushaheedii waanu ku jirnaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Firdhiye.

Magaalada Ceerigaabo waxaa dhawaan soo galay ciidamo ka tirsan SSC Khaatumo, kuwaasi oo magaalada laga saaray ka dib dagaal ay ciidamada Somaliland la galeen. Waxaa jirta xiisad ka taagan guud ahaan deegaanka, iyadoo ay kumannaan qof magaalada ka qaxeen sida aan ka soo xiganeyno barakacayaasha Qaramada Midoobey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed