Iiraan oo sameysay dhooltus ciidan oo ballaaran xilli xiisada gobolka ay ka sii darayso

Ciidamada milatariga ee Iran ayaa bilaabay dhoolatus ballaaran oo dhinaca difaaca cirka ah kaasi oo ka socda gobollada galbeedka iyo waqooyiga dalka, halkaasi oo ay ku yaalaan goobaha muhiimka ah ee nukliyeerka ee Fordow iyo Khondab.
Dhoolatuskan oo loogu magac daray “Awood” ayaa bilaabmay maanta pp Axad ah iyadoo lagu qabanayo sida xaalado dhab ah oo dagaal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda IRNA.

Dhoolatuskan ayaa waxaa si weyn ugu lug leh qaybta Difaaca Cirka ee Ciidanka Xoogga Dalka Iran oo hoos yimaada hogaanka shabakadda isku xiran ee difaaca cirka ee dalka. Hawlgallada waxaa ku jira weeraro iyo difaacyo isugu jira oo ay fuliyaan unugyada gantaalaha, nidaamyada raadaarada, dagaalka elektarooniga ah iyo sirdoonka elektarooniga ah, kooxaha sahanka, iyo nidaamyo kala duwan. Diyaaradaha dagaalka ee duuliyayaaashu wadaan iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale ka qaybqaadanaya hawlgalladan.

Mas’uuliyiinta milatariga ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee carbisikan ay tahay in lagu difaaco kaabayaasha muhiimka ah haddii weeraro cirka iyo gantaallo lagu soo weeraro.
Wajiga ugu horreeya, Ciidanka Difaaca Cirka ayaa si guul leh u burburiyay diyaarado drone ah oo soo duulay iyagoo adeegsanaya nidaamyada difaaca cirka ee gudaha laga sameeyay ee Khordad 15 iyo Talash. Sidoo kale waxaa lagu tijaabinayaa xeelado difaac oo dadban iyo kuwa istaraatiijiga ah ee nidaamyada difaaca gantaalaha, si loo kordhiyo dhaq-dhaqaaqa iyo waxtarka hawlgalka.

Dhoolatuska, oo qayb ka ah olole heer qaran ah oo lagu diyaarinayo ciidamada, ayaa daba socda dhooltusyadii toddobaadkii hore ka dhacay aagga difaaca cirka ee ku hareeraysan xarunta nukliyeerka ee Natanz. Ciidanka Cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa la sheegay inuu hogaaminayo dadaallo adag oo difaac toos ah oo ka dhan ah hanjabaado badan oo cirka ah oo ka jira xaalado adag oo dagaal elektaroonig ah.

Afhayeenka ciidamada Illaalada Kacaanka Iiraan ee loo yaqaan IRGC, Cali Maxamed Naini, ayaa sheegay in tababaradani ay si toos ah uga jawaabayaan hanjabaadaha amni ee soo kordhaya. Wuxuu shaaciyay in qaybaha kala duwan ee IRGC, oo ay ku jiraan ciidamada badda iyo ciidamada Basij, ay ka qaybqaadan doonaan dhooltusyadan oo socon doona ilaa bartamaha Maarso. Naini wuxuu xusay in ilaa 30 dhoolatus oo isku dhafan oo dhulka, cirka, iyo badda ah laga bilaabay lix gobol oo galbeed iyo koonfur ku yaal, taasoo laba jibbaar ka badan tirada dhoolatusyadii sanadkii hore.

Si gaar ah, Iran waxay qorsheynaysaa inay qabato dhooltuska ugu weyn ee dhinaca badda ee marinka Hormuz, oo ah marin muhiim ah oo lagu dhoofiyo shidaalka caalamka. Naini wuxuu caddeeyay in ciidamada Iran ay diyaar u yihiin dagaallo ballaaran oo adag isla markaana ay kalsooni ku qabaan awoodahooda difaac. Wuxuu adkeeyay sida ay Iran uga go’an tahay siyaasad iska caabin ah, isagoo yiri, “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ma bilaabi doonto wax dagaal ah gobolka balse si adag ayey uga jawaabi doontaa hanjabaad kasta.”

Hawlaha milatari ee sare u kacay ayaa imaanaya iyadoo warbixinno ka soo baxay warbaahinta Mareykanka ay muujinayaan in Aqalka Cad uu ka hadlayay xulashooyin milatari oo ka dhan ah goobaha nukliyeerka Iran. Mas’uuliyiinta Iran ayaa cambaareeyay hanjabaadahaas, iyagoo ku tilmaamay inay yihiin jebin sharci caalami ah.
Iyadoo xiisadaha gobolka ay sare u kacayaan, dhaq-dhaqaaqyada milatari ee baaxadda leh ee Iran waxay fariin cad u dirayaan gudaha iyo caalamkaba oo muujinaysa diyaar garow iyo adkeysi.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed