Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo socdaal qaatay laba maalin ku joogay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa soo gabagabeeyey safarkiisa oo ay ka soo bexeen qodobo kala duwan oo ku heshiiyeen labada dowaladood.
Wasiiru dowladaha Arimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad oo ka hadlay waxyaabaha labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen ayaa sheegay in diiradda uu saarayey wax wada wadaagga labada dal iyo qodobo kor loogu qaadayo daris wanaagga iyo xalinta khilaafkii jiray.
Waxaa uu sheegay in dib loo soo celi doono safiiraddii u kala joogay dalalka Muqdisho iyo Addis Ababa, taasi oo qeyb ah sida uu hadalka u dhigay kor u qaaditaanka xiriirka soo wanaagasanaanaya ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxaa uu carrababay in Itoobiya soo magacaaba doonto xubnaha u joogo qunsuliyadaha magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, kuwaa oo si toos ah hadda u hoos imaan doona safaaradda Itoobiya ee Muqdisho.
Wasiirka waxaa uu shaaciyey in kulamada labada dhinac dhexmaray aanay ku soo hadal qaadin wax la xariira ka mid noqoshada Itoobiya ee howlgalka AUSSOM, inkasta oo uu hoosta ka xariiqay in laga gudbay caqabadihii suurtagalka ka dhigayey in laga reebo howlgalka Addis Ababa.
Waxaa uu sheegay in maadama la qeybiyey xubnihii ka mid noqon lahaa howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ay DFS ku dadaaleyso qaabkii loo xali lahaa, wallow uu humaag galiyey su’aasha is waydiinta mudan ee qodobkaasi ku jirta.
Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka warheyso hadalka Masar ay ku diiday in cid aanay soo gali karin marinka Badda-Cas aan xaduud la laheyn ayaa tilmaamay in arintaasi Soomaaliya waxba ka quseyn.
HBN ONLINE TV