Masar oo si cad u diiday in Itoobiya cag soo dhigto Badda Cas

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdel Aaty ayaa si adag u diiday suuragalnimada in ay jirto joogitaan milatari ama mid badeed oo ka yimaada dalal aan xuduud la laheyn Badda Cas, isaga muujinaya mowqifka Masar ee ah ilaalinta madax-bannaanida iyo amniga gobolka Badda Cas.

Wasiir Abdel Aaty ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir u wada qabteen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa uu iftiimiyey sida saddexda dal ay uga go’an tahay inay iska kaashadaan sugidda amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas.

“Dalalka aan xuduud la laheyn Badda Cas, xaq uma laha inay farageliyaan arrimaheeda, ha ahaato si milatari ama si kale,” ayuu yiri Abdel Aaty, isagoo xoojinaya mowqifka Masar ee ka dhanka ah faragelinta dibadda ee aaggaasi muhiimka ah.

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Masar, Soomaaliya, iyo Eritrea ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga si loo sugo amniga badda loona wajaho khataraha ka imaan kara Badda Cas. Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashi dhaqaale iyo horumar waara oo gobolka ka hirgala.

Kulanka saddex geesoodka ah ee xiga ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxana shirka soo socda la filayaa inuu sii adkeeyo iskaashiga u dhexeeya, isla markaana kor loogu qaado dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo danaha dhaqaale ee Badda Cas.

Badda Cas, oo ah marin ganacsi oo muhiim u ah caalami ah, kanaalka xiriiriya Badda Mediterranean iyo Badweynta Hindiya ayaa ah meel si gaar ah diiradda loo saaro dhanka siyaasadda caalamiga ah, , iyada oo loo marayo Kanaalka Suweys.

Mowqifka cusub ee Masar ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka isla markaana looga hortagayo faragelinta milatari oo dibadda ah.

Falanqeeyayaashu waxay u arkaan hadalkan tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashi gobolka iyo yareynta saameynta dibadda ee mid ka mid ah marin-biyoodka badeed ee ugu muhiimsan caalamka.

Hadalada xanafta ah ee ka soo baxay Qaahira ayaa u muuqda kuwa lagu durayo xukuumadda Addis Ababa, inkasta oo sinaba lagu soo hadal qaadin qudbada wasiirka iyo kulamada qaahira ee dalalka Masar, Eretrea iyo Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed