Kulan khadka telefoonka ku wada xiriireen Wasiirada Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo Masar ayaa waxay kaga wada hadleen arrimaha Geeska Afrika, iyaga oo isku so hadal qaady in Soomaaliya ilaaliyaan madax bannaanideeda dhuleed oo il dheer ay u yeeshaan.
Wasiirka Arimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa Masar Badar Abdel-Ati oo marka hore ka wada hadlay danaha labadooda dal ayaa carabka ku adkeeyay in si qoto dheer ee loo adkeeyo xiriirkooda taariikhiga ah.
Baayanka ayaa lagu soo hadal qaaday arrimaha gobolka ee danta guud, oo ay ugu horreeyaan horumarka ka socda Geeska Afrika, taageeridda Soomaaliya iyo ilaalinta midnimadeeda, xasilloonida iyo wadajirkeeda dhuleed.
Labada wasiir ayaa is weydaarsaday aragtiyo la xiriira xiisadaha ka taagan Badda Cas iyo saameynta ay ku yeelan karaan socdaalka badda, kuwa caalamiga ah iyo ganacsiga. Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Badda Cas si loo ilaaliyo danahooda, amniga qaranka iyo isku-dubbaridka ka hortagga khataraha kala duwan.
Ugu dambeyn waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la sii wado isku-dubbaridka wadajirka ah ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo taageerada iskaashiga ka dhexeeya ee qaab dhismeedka ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Horay Soomaaliya oo ka heshay wadamada Bariga Afrika taageero aad u sareysa oo lagu garab istaagay, iyada oo dalalka qaar ka heshay gargaar saanado ciidan iyo balan.
HBN ONLINE TV