Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa gobollada kala duwan ee Somaliland u magacaabay 12 Barasaab iyo 11 ku-xigeen, ka dib Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Madaxtooyada.
Magacaasibista uu sameeyeye Madaxweyne Cirro oo si gaar ah isha loogu yahay gobollada qaar ayaa waxaa badi isbedel uu ku sameeyey gobolada.
Proff Axmed Maxamed Cadaad Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, halka Wali Cabdi Jaamac Kheyrre Badhasaab laga dhigay Ku-xigeenka Gobolka.
Muxummad Xasan Jaamac (Xoday) Badhasaabka Gobolka Awdal, waxaana Daahir Axmed Jaamac Buraale Badhasaab uu noqon doonaa Ku-xigeenkiisa.
Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane Badhasaabka Gobolka Saaxil.
Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa laga dhigay Badhasaabka Gobolka Togdheer, waxaana ku xigeen looga dhigay Siciid Axmed Maxamed Raage.
Axmed Faarax Cismaan Cabdi Badhasaabka Gobolka Sool, waxaana ku xigeen looga dhigay Naaleeye Axmed Jaamac Liibaan.
Saalax Yuusuf Diiriye Guuleed Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.
Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh) Badhasaabka Gobolka Gebilay, halka ku xigeenkiisa uu noqon doono Cabdirisaaq Axmed Muxummad (Huuno).
Proff Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) Badhasaabka Gobolka Saraar, waxaana Maxamuud Warsame Geeddi (Hilbayare) uu ahaan doonaa Ku xigeenkiisa.
Cabdi Siciid Faahiye Allaale Badhasaabka Gobolka Salal, isaga oo Cismaan Cumar Nuur Aare laga dhigay Badhasaab Ku xigeenka Gobolka.
Cabdisalaan Maxamed Xasan Maxamed Badhasaabka Gobolka Badhan, halka uu Cali Maxamed Axmed Cadami uu laga dhigay Ku xigeenkiisa.
Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) Badhasaabka Gobolka Hawd, waxaaana ku xigeen u ahaan doona Ayaanle Maxamuud Raage Qaalib.
Fu’aad Cabdi Diiriye Maxamed Badhasaabka Gobolka Xaysimo.
Maxamed Dayib Yuusuf Aadan Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Daad madheedh iyo Mustafe Ibraahim Axmed Faarax Badhasaabka Gobolka Buuhoodle.
HBN ONLINE TV