Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya, Masar & Ereteriya oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxaa looga hadlay iskaashiga saddex geesoodka ah ee saddexda dal iyo sii amba qaadida qoddobadii hore looga wada hadlay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo dhiggiisa Masar Badr Abdel Aty kulan gaar ah la yeeshay ayaa sheegay inay ka wada xaajooyeen xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, isaga oo carrababay inay isku weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan horumarka xaaladda Geeska Afrika, marka laga soo tago sahminta rajada laga qabo iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya si waafaqsan danaha guud.
Dhinacyada kale Ereteriya iyo Masar ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo ixtiraami lahaa Madaxbannaanida iyo Midnimada dalka dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo kulankooda uu ku soo aadayo xilli xiisadkii geeska afrika hoos loo dhigay.
“Waxaan markasta garab taagannahay in la ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amniga gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdilady.
Wasiir Fiqi ayaa dhigiisa dalalka Masar iyo Eretariya ku casuumay in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, si ay u sii wadaan kulamada saddex geesoodka ah, iyada oo gaashaanbbuurta Bariga Afrika uu kulankoodii ugu horeeyey bishii Octobar ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Asmara.
HBN ONLINE TV