Iiraan oo soo bandhigay saldhig ganataalo ku rakinan yihiin oo lagu tilmaamay magaalo dhulka hoostiisa ku taal

Warbaahinta dalka Iiraan ayaa soo bandhigtay muuqaallo naadir ah oo muujinaya taliyaha Ilaalada Kacaanka, Xuseen Salami, oo booqanaya saldhig lagu fasiray magaalo dhan oo dhulka hoostiisa ah oo gantaalo ku rakiban yihiin.
Telefishinka Press TV ee Iiraan ayaa sheegay in saldhigan loo adeegsaday in laga tuuro ku dhawaad laba bqool oo gantaal oo lagu garaacay Israa’iil bishii Oktoobar , gantaalladaasi oo ay ku jireen kuwa hypersonic-ga ee guuxooda ka dheeraya iyadoo ahayd markii ugu horreysay ee la adeegsaday.

Telefishinka dowladda Iran ayaa soo bandhigay muuqaallo laga qaaday saldhigga milatari iyadoo aan la caddeyn goobta saxda ah ee uu ku yaal, waxaana tani ku soo aadaysaa saacado kadib markii ay dhaceen dabaaldegyo ciidan oo ka dhacay magaalada Tehran ay ka qayb galeen kumanaan ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

Arrintani waxay sidoo kale ku soo beegmaysaa xilli uu Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, xilka la wareegayo 20-ka bishan.
Dhiniciisa, sarkaal ka tirsan IRGC, Sareeye Gaas Maxamed Risa Naqdi, ayaa sheegay in Maraykanku uu mas’uul ka yahay dhammaan musiibooyinka, sida uu hadalka u dhigay caalamka ka ataagan, isagoo xusay in mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn lagu xallin doono “iyada oo la burburiyo Israa’iil lagana saaro saldhigyada Maraykanka gobolka.”

Tilaabooyinkan ayaa imaanaya iyadoo Ra’isalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Khamiistii kulan la qaatay madaxda qaybaha kala duwan ee ciidmamada, iyadoo lagu wadahlay sidii loo duqeyn lahaa goobaha nukliyeerka ee Iiraan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed