Puntland oo qodobo adag ka soo saartay dagaal dagaalkii ka dhacay gobolka Mudug

War saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland uga furmay shantii bishaan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo saaray go’aamada adag oo colaadda lagu joojinayo.

Shirkan ka socday Gaalkacyo afarta maalmood oo looga arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ayaa soo jeediyey 3 qodob oo dhinacyada la duldhigay.

Bayaanka shirka ayaa lagu go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood, in xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta.

Ugu dambeyn ayaa lagu booriyey in guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac ay kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta in aan dhib danbe dhicin deegaanka.

War murtiyeedkaan Puntland iyo Galmudug soo saareen ayaa ku soo aadaya, iyada oo dagaal khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baahsan lagu gaarsiiyey uu ka dhacay bishii december ee sanadkii hore 2024 deegaanka deegaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed