Howlgalo ay Ciidanka Booliska Soomaaliya ka fuliyeen Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dad eedaysanayaal ah, hub sharci darro ah, falal amniga liddi ku ah iyo kuwo isticmaalayey sida hadalka loo dhigay maan-dooriyaal.
Ciidamada Booliska oo Mudisho ka sameeyey 12 howlgal ayaa sheegay in lagu soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 48, kuwaa oo 15 ka mid ah ku eedeysan yihiin falal amni darro oo dhac ku jiray.
Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ayaa laga mamnuucay inay istaafkooda qaataan Qoriga PKM (Daba-Miishaar) iyo aan laga badi karin 4 askari, iyadoo la faray in wax ka badan AK47 ka badan aanay qaada karin.
Cidii awaamiirta la soo saaray jabisa ayaa la tilmaamay in loo aqoonsan doono in khalkhal ku tahay ammaanka sida hadalka loo dhigay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Taliska Booliska ayaa digniin iyo amarro cusub oo ku soo rogay Mootooyinka Bajaajta oo 3 ruux iyo wadaha ah laga iyo Fekon-ta laga badi karin laba ruux iyo inay xirtaan Koofiyadaha difaaca.
25-ka Bishaan Janaayo ayuu go’aamiyey taliska Booliska inuu ku eg yahay digniinta lala wadaay dadka mootooyinkaasi ku shaqeynta, sida uu warbaahinta u sheegay in Afhayeeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan.
Magaalada Muqdisho waxaa todobaadkaan ka dhacay shilal badan oo ka dhashay mootooyinka Fekont-ta, kuwaa oo dad ku dhinteen.
HBN ONLINE TV