Somaliland oo gacan ku dhigtay eedeysanayaal oo loo heysto dilka Sarkaal Booliska ah

Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Awdal iyo Gabilay oo iskaashanaaya ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 3 ruux oo ku eedaysan dil magaalada Gabilay Arbacadii todobaadkaan loogu Sarkaal ka mid ahaa ciidamada Booliska.

Booliska Somaliland ayaa sheegay in Hawlgallo iyo dadaal xooggan oo ay sameeyeen Ciidanku lagu soo qabtay dhammaan eedaysanayaashii degaanka Cali Xaydh ee Gobolka Awdal, kuwaa oo loo heysto dhammaantood ah sida hdaalka loo dhigay kiiska dilka ah.

Xubnaha la soo qabtay ayaa boolisku tilmamaay inay dileen Marxuum Alifle Buux Mawliid Ismaaciil oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Booliska Somaliland.

Sida oo kale dadka la soo qabtay ayaa warka Booliska lagu carrabaabay in si degdeg loogu horgeyn doono Ha’yaddaha garsoorka.

Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada, iyo dhammaan Ciidanka Booliska oo uu ku tirsanaa marxuumka geeriyooday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed