Qoraal ay baahisya wasaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaliya ay ku dhawaaqday musharaxnimadeeda kusiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) oo muddo-xileedkiisu tahay 2025–2028.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo bandhigay ahmiyada kursigan uu u leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu door muuqda ka qaadan doono ajendaha nabadda iyo ammaanka ee Afrika.
Sidoo kale Bayaaka ayaa lagu muujiyey in tani ka tarjumeyso safarka Soomaaliya ee dib-u-habaynta iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’da Pan-Africanism.
“Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa la aasaasay sanadkii 2004, iyadoona Soomaaliya dooneyso in ay markii ugu horreyso ka mid noqoto, taas oo musharaxnimadan ka dhigeysa mid ku saleysan sinnaanta iyo ka-qaybgalka arrimaha istiraatiijiyada ah ee nabadda Afrika” ayaa lagu yiri warka Wasaaaradda.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo la aas aasay 20 sano ka hor ayaa waxaa uu qeyb ka qaataa ilaalinta Nabadda qaaradda.
HBN ONLINE TV