Dowladda Soomaaliya oo hordhigtay Dhaqanka Beledweyne mideynta Hirshabeelle iyo dagaalka Alshabaab

Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS Daahir Shire Maxamed ayaa kulan looga hadlayey xal u helidda amniga magaalada Bedelweyne la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan.

Odaaasha dhanka oo kulanka uu la qaatay ayuu u soo jeediyey in wax laga qabto tabashooyinka jira ee ay qabaan bulshada gobolka Hiiraan, taasi oo qeyb ka ah xal u helida iyo isku duubnida maamulka Hirsheebeelle.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ka rabto bulshada gobolka Hiiraan ka shaqeynta Nabadda iyo amniga, iyada oo arintaasi fududeyn karto la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Xubnaha odayaasha gobolka ee uu kulanka la qaatay Wasiirka Batroolka XFS ayaa u balan qaaday inay ka shaqeyn doonaan amniga magaalada iyo isku duubnida Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed