Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa sheegay in si buuxda ula wareegeen Fariisimiho koxda Alshabaab ku laheyd Gobalka Hiiraan.
Howgal ay bilaabeen subaxnimadii hore ee saaka Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay in lagula wareegay in ka badan 4 deegaan oo hoostag magalaada Beledweyn.
Fariisimiha deegaannada ay la wareegeen ciidamada oo la tilmaamay inay Weerar lagu ekeeyay ka ayaa kala ah Beera-yabaal, Jiciboow, Biya-madoobe, Arooso iyo Deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga islamarkaana Hoostaga degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha huggaaminiyey Ciidamada oo sheegay in qasaara lagu gaarsiiyey Alshabaab ayaa carrabaabay inay ciidanku ay la wareegeen sida ay hadalka u dhigeen dhamaan fadhiisimahii iyo goobihii ay ku dhuumanayeen Kooxdu.
Howlgalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo gobolka ay ku sugan yihiin Taliyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka oo banaanka soo dhigay bilaabidda soo laba kacleyn dagaalka kale oo Alshabaab lagu ekeyn doono.
HBN ONLINE TV