Taliska saldhiga degmada Baran ee gobolka Sanaag Puntland ayaa sheegay in howlgalo lagu burburiyey godad dhuxul waxaa ay sameeyeen miyiga Tulooyinka hoos taga degmada, iyaga oo la soo qabtay dad lala xariirinayo.
In kabadan 12 hog ayaa Ciidamada Booliska Puntland waxay sheegeen in cagta mariyeen, taasi oo qeyb ka ah sida hadalka ay u dhigeen ka hortagista waxyeelada degaaanka.
“Ciidanka Saldhiga Baran ee Booliska ayaa inta ay ku jireen howlgalkaan waxay gacanta ku dhigeen 4 Maxbuus, kuwaas oo dhawaan sharciga la horgeyn doono” ayaa lagu yiri warka Booliska.
Waxaa la sii raaciyey “Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay sidoo kale agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalaysay”.
Sida oo kale, Ciidamada oo sheegay in howlgalkaan ay ku jireen muddo ka badan asbuuc ayaa carrabaabay in Cabasho kaga timid shacabka, ka dib makrii ay u soo bandhigeen laamaha amaanka.
Taliyaha Saldhiga degmada Baran Kabtan Khaliif Jaamac Shire ayaa ku bogaadiyay ciidanka iyo Shacabka deegaanka shaqada culus ee ay ka qabteen.
Booliiska Gobolka Sanaag ayaa maalmihii u danbeeyay waday hawlgallo lagu burburinayo goobaha dhuxusha laga shido ee ku yaalla degaannada miyiga ah ee Gobalkaas.
HBN ONLINE TV